Shiinaha oo dayax-gacmeed diray

Dayax-gacmeedka Shenzhou-11 oo aroornimadii Isniinta laga ganay Gansu, woqooyiga Shiinaha Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dayax-gacmeedka Shenzhou-11 oo aroornimadii Isniinta laga ganay Gansu, woqooyiga Shiinaha

Shiinaha ayaa laba nin oo cirbixeeynno ah u diray hawada sare oo waxay ku wareegii doonaan dhulka. Hawgalkani wuxu qayb ka yahay mashruuc lagu doonayo in lagu kobciyo kartida Shiinaha ee sahaminta hawada sare.

Dayax-gacmeedka sida labadan cirbixiyeen ayaa waxa laga ganay saldhigga Jiuquan oo ku yaal woqooyiga Shiinaha ah oo ah xarun laga gano dayax-gacmeedyada.

Dayax-gacmeedkani wuxu ku xidhan doonaa saldhig hawada sare loo dhigay tijaabo ahaan oo la yidhaa Tiangong 2 waxa aanay halkaa cirbixiyeennadu ku sugnaan doonaan 30 maalmood taas oo noqonaysa mudadii ugu dheerayd ee cirbixiyeeno Shiine ahi hawada sare ku maqnaadaan.

Fariin hambalyo ah oo madaxweyne Xi Jinping cirbixiyeenada u soo mariyay warbaahinta dowladda ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in "ay aad u kobcin doonaan xamaasadda cirbixiyeenimada dalka iyo dadkuba u qabaan". Waxaanu intaa ku daray in socdaalkan hawada sare loogu diray uu "Shiinaha awood u siin doono in ay u qaadaan tallaabooyin hor leh xaga sahaminta hawada sare iyo in uu gacan ka gaysan doono dhisidda awoodda Shiinaha ee sahaminta hawada sare"