Duuliyeyaasha Kenya Air Ways shaqo joojin ku dhawaaqay

Diyaarad ka mid ah kuwa Kenya Airways
Image caption Diyaarad ka mid ah kuwa Kenya Airways

Maamulka shirkadda duulimaadyada qaranka ee Kenya Airways oo khasaare ku jirtay ayaa kulan la leh ururka duuliyeyaasha si ay uga hortagaan shaqo joojin la filayo in ay sameeyaan Salaasada.

Ururka duuliyeyaasha ayaa ku baaqay in la casilo maareeyaha shirkadda oo ay sheegeen in uu ku guul darraystay in uu wax ka qabto khasaaraha ganacsi ee shirkaddu ku jirto, musuqmaasuqa iyo maamul xumida jirta.

Duuliymaadyo badan oo ay samayn jirtay shirkadda Keyna Airways ayaa maalmihii la soo dhaafay la joojiyay ka dib markii shaqaalihii soo dhawaynta rakaabku shaqada ka dareereen. Shirkaddu waxay door wayn ku leedahay isku socodka Afrika gudaheeda waxa aanay rakaab badan u fududaysa socdaallada ay ku tagaan meelo badan oo Afrika ah.