Baarlamaanka Hirshabeele oo madaxweyne doortay

Shirka Jowhar

Baarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa madaxweyne u doortay Cabdi Cabdulahi Cosoble oo helay codad gaaraya 61 cod.

Waxaa la tartamayay Maxamed Cabdi Waar oo isna helay 36 cod. Baarlamaanka maamulka Hirshabeele ayaa maanta fadhigan doorashada ku yeeshay magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Xildhibaanada, isagoo sheegay in 98 xildhibaan ay codeysay, 61 cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka 36 cod uu helay Maxamed Cabdi Waare, halka Hal cod uu xumaaday.

Maamul goboleedkan ayaa noqonaya kii shanaad ee laga hirgeliyo Soomaliya oo qaadatay nidaamka federaalka.

Balse waxaa weli jira dad ka soo horjeeda maamulkan cusub ee Hirshabeele gaar ahaan odoyaal jooga magaalada Baladweyne oo diidan maamulka Jowhar laga unkay.