Hay'adaha caalamka oo dalbanaya in la badbaadiyo shacabka Muusil

Dadka ka qaxay Mosul Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka ka qaxaya Mosul ayaa kordhaya maalin walba ayay sheegtay Qaramada Midoobay

Hay'adda caalamiga ah ee Red Cross ayaa codsatay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Muusil ay muujiyaan bini-aadamnimo.

Dalabkan ayaa imaanaya ayadoo uu soo badanayo walaaca laga qabo ku dhowaan hal milyan oo qof oo ku jira gudaha magaalada.

Ciidamada Ciraaq iyo xulafadooda ayaa kusii dhowaanaya Muusil oo ay gacanta ku hayaan ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Hay'adaha gargaarka waxay cabsi ka qabaan in Daacish shacabka ay ka dhigato gabaad.

Sidoo kale waxay sheegayaan inay qabaan walaac ah in hub kiimiko ay Daacish ku isticmaasho magaalada.

Waxaa sidoo kale jiro walwal ah in Shiicada ka mid ah ciidamada Ciraaq ay ka aargutaan Sunniyiinta ku nool Muusil.

Dagaalka ayaa waxa uu socdaa maalintii labaad, ciidamada Ciraaq waxay sheegayaan inay qabsadeen 10 deegaan oo koofurta ka xiga Muusil.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan