Shirkad qashinka qaada oo Muqdisho ka howlgalaysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkad qashinka qaada oo Muqdisho ka howlgalaysa

Magaalada Muqdisho waxaa maanta la furay shirkad ay Soomaali leedahay oo ka shaqayn doonta qaadista qashinka xaafaddaha, iyadoo la timid qalab casri ah oo ay ku baxday malaayiin dollar.

Siyaasiyiin, ganacsato iyo xubno ka socday bulshada ayaa ka qayb galay xaflad daaha looga rogay mashruuca nadaafadda degmooyinka Muqdisho.

Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamad Aden ayaa warbixntan ka soo diray.