Falanqeynta: Dullaanka Muusil maxaa ka dhalan kara?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeynta: Dullaanka Muusil maxaa ka dhalan kara?

Waxaa maalinta labaad galay duulaanka ciidanka Ciraaq iyo xoogagga Kurdiyiinta ee Peshmerga ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan magaalada Musil oo ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ay hadda gacanta ku hayaan.

Afhayeen u hadlay milateriga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in isbahaysiga caalamiga ah uu dusha ka garaacay magaalada Mosul, si uu u wiiqo awoodda xoogagga dowladda Islaamiga.

Madaxweynaha maamul goboleedka Kurdistan ee Ciraaq ayaa ammaanay wada shaqeynta ka dhexeysa dagaalyahannada Peshmerga iyo ciidanka Ciraaq ee duulaanka ku ah Musil.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaanno duulaanka Musill iyo waxa ka dhalan kara ayaa waxaan ka wareystay Dr Sacad Sheekh Cismaan Nuur oo ka faalooda arrimaha Carabta.

Khadka telefoonka ee Maraykanka ayuu ugu warramay Suheyba Maxamed Badqas, waxaana marka hore weydiisay waxa keenay in si fudud ay ciidanka Ciraaq u gaaraan goobihii ay tiigsanayeen maalinta koowaad ee duulaanka.

Mowduucyada la xiriira