Dawladda Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo raha

Lahaanshaha sawirka NATURE PICTURE LIBRARY/ALAMY
Image caption Raha Titicaca ee dalka Peru

Wakaalada deegaanka ee dalka Peru waxay baadhaysaa dhimashada 10,000 oo rah oo laga helay wabi ku yaala koonfurta dalkaasi .

Kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in wasakhaynta webiga Coata ay sabab u tahay dhimashada baahsan ee ku dhacday raha.

Waxaa loo yaqaan rahani Titicaca waxaanu ku nool yahay biyaha macaan ee harada u dhexayasa Bolivia iyo Peru. Rahan ayaa ku jira noolaha looga baqayo inuu dabar go'o.

Kooxaha deegaanka ilaaliya ayaa boqol ka mid ah meydkii rahan u qaaday xarunta gobolka koonfurta Peru ee Penu.

Waxay dawlada Peru ku eedeeyeen inay maqli weyday baaqoodii ahaa inaan bulaacadaha lagu qubin biyaha uu ku nool yahay rahu.