Ruushka oo hakiyay duqeyntii Xaleb
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ruushka oo hakiyay duqeyntii Xaleb

Waxaa maalintii labaad hakad ku jira duqeymaha ay diyaarada Ruushka ka wadeen bariga magaalada Xaleb ee dalka Suuriya, xilli la filayo in beri ay dhaqan gasho xabbad joojin bani'aaddannimo oo ay shaacisay xukuumadda Moscow.

Ruushka ayaa sheegay in uu u ogolaanayo kooxaha fallaagada ah ee deegaannadaasi ka dagaallamaya in ay raacaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa xannuunsan, ayaga oo ku baxaya laba marin oo keliya.

Balse waxaa qorshahaasi ku gacansayray ururada ugu weyn fallaagadaasi.

Haddaba si aan wax uga ogaanno xaaladda bani'aaddanimo ee ka taagan Xaleb ayaa waxaan ka wareysanay Xuseen Yoonis Xasan, oo gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Waxa uu u warramay Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ugu horrayna wuxu waydiiyay tirada dadka rayidka ah ee ku go'doonsan magaaladaasi.