Weriya u shaqeeya Aljazeera oo Muqdisho lagu xiray

Xamza Maxamed oo u shaqeeya TV-ga Aljazeera Lahaanshaha sawirka Hamza Mohamed
Image caption Xamza Maxamed oo u shaqeeya TV-ga Aljazeera

Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Xamse Maxamad oo ah weriye ka tirsan telefishanka saldhigiisu yahay Dooxa ee Al-Jazeera qaybtiisa ku hadasha af ingiriiksa.

Weriyaha ayaa laga qabtay duleedka Muqdisho sida ay sheegeen ilo ku dhaw hay'adda sirdoonka qaranka.

Weriyaha waxa lala xiray sawir qaade la socday iyo nin darawal ah.

Hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA ma aysan sheegin sababta ay u xirtay weriyaha balse ilo madax bannaan ayaa BBC-da u sheegay in loo haysto weriyaha iyo kooxda la socotay inay warar ka soo duubeen xarakada Al-Shabaab oo maamusha deegaano ka tirsan konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale hay'adda NISA waxa ay sii daysay tifaftirihii wargeyska Xog-Ogaal Cabdi Aden Guuleed kadib markii uu xabsiga ku jiray tan iyo sabtidii la soo dhaafay.

Ma jirto maxkamad la horkeenay tifaftiraha iyo dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Warbixin dhawaan ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu khatarta badan ee weriye ka shaqeeyo aduunka oo dhan iyadoo tan iyo 2012 kii lagu dilay inkabadan 30 weriye.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan