Xaalka Liibiya 5 sano ka dib geeridii Gaddafi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalka Liibiya 5 sano ka dib geeridii Gaddafi

Waxaa maanta 5 sano laga joogaa markii la dilay madaxweynihii hore ee Liibiya, Muammar Gaddafi, oo dalkaasi xukumayay muddo 42 sano ah.

Dad badan ayaa filayay in geeridda Gaddafi ay soo afjari doontay kacdoonkii hubeysanaa ee xilligaasi looga soo horjeeday, balse taa bedelkeeda waxaa uu dagaalka saameeyay dalkaasi oo dhan.

Haddaba 5 sano ka dib geeriddii Gaddafi maxaa iska bedelay xaaladda Liibiya? Su'aashaashi iyo kuwo kale ayay Suheyba Badqas weydiisay Dr Ibraahim Farax Bursaliid, oo ka faalooda arrimaha caalamka.