Geedi-socodka cakiran ee doorashada Soomaaliya

Askari Soomaali ah oo taagan goob gaadhi miidaamo ah lagu qarxiyay Muqdisho, Ogost 30, 2016 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Askari Soomaali ah oo taagan goob gaadhi miidaamo ah lagu qarxiyay Muqdisho, Ogost 30, 2016

Dadka Soomaalida ah waxa loo ballanqaaday in sannadka 2016 ay dhici doonaan doorashooyinkii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah muddo 50 sannadood ah, laakiin runtu waxay tahay in arrintu aad u sii cakirantay.

Bilowgii sannadkii 2012 markii ugu dambayntii ay dhamaatay siyaasadii ku meelgaarka ahayd, ayaa dowladd cusub ee federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in dalka colaaduhu ragaadiyeen ay ka qaban doonto doorasho qof waliba codkiisa dhiiban doono sannadka 2016.

Taasi waxay ka dhignayd in ay noqon doonto doorashadii u horraysay ee dimuqraadi ah ee ku dhawaad 50 sannadood la qabto. Tii ugu dambaysay ee dalka ka dhacdaa waxay qabsoontay 1969 oo 64 xisbi ka qayb qaateen. Ka dib waxa dhacay afgambi iyo sannado badan oo keli talisnimo ah waxaana ka dhashay dagaallo sokeeyo oo sannado badan socday. Dalkii wuxu u gacan galay maleeshiyo beeleedyo, kooxo budhcad badeed ah iyo Islaamiyiin xagjir ah.

Qorshe cusub

Laakiin 2016 waxa haatan la joogaa 2016 kii ballantii ahayd in doorasho la qabtaana way baaqatay.

In kasta oo ay jiraan hore u socod la sameeyay, hadana nabad-gelyo darro iyo qas siyaasadeed oo is biirsaday iyo kaabeyaasha dhaqaala oo dunsan awgood ayaa kallifayay in Soomaalidu ay muddo dheer sugaan inta ay gaarayaan goorta ay hogaamiyeyaashooda codkooda ku dooran doonaan.

Waxa la keenay qorshe kakan oo la yaab leh oo lagu dooranayo golaha cusub ee sharci dejinta oo uu ka mid yahay aqalka sare oo markii ugu horraysay dalku yeelanayo, gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha cusub.

"Habkan doorashadu waa nooc ku cusub dunida, waa mid laga fursan waayay oo ah hanaan siyaasadeed oo gacan ka gaysanaya in la gaaro marxaladda loo socdo" ayuu yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating, oo qudhiisu door muhiim ah ku leh hannaankan. "Waa hab kakan laakiin se keeni kara in meel dhexe la iskugu yimaad" ayuu intaa ku daray.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daadad baabi'yay dalagyadii Soomaaliya oo bulshada kala badhkeed cunno yaraan u keenay

Sida lagu yaqaanno siyaasadda Soomaaliya, jidka la doonayo in lagu gaaro wax la isku wada raacsanyahay waa mid dheer oo dhib badan isla markaana ay ka buuxaan caqabado adag. Ma jirto xataa dad isku raacsan macnaha iyo magacii uu yeelan lahaa hanaankan cusub.

Dadka ka qayb qaadanaya ayaa qudhoodu tilmaamo kala duwan u adeegsada oo ay ka mid yihiin "doorasho dadban", "habka xulidda", "doorasho xaddidan", "hab doorasho la mood ah" iyo "hanaan siyaasadeed oo leh hab doorasho".

Is maandhaafka badan ee jira macnihiisu waxa weeyi uun in "xaraash" malaayiin doolar lagu kala iibsanayo codadku dhici doono. Fahamka hanaankan wuxuu u baahan yahay in sida xisaabta qaybsigu u socoto la fahmo.

Jadwalkii u dambeeyay ee dooraashada

  • 135 hogaamiye beeleed ayaa soo xuli doona 14,025 ergay oo isu qaybinaya 275 urur-doorasho oo midkiiba ka koobanyahay 51 xubnood.
  • Ugu yaraan 16 xubnood oo ka tirsan urur-doorasho kastaa waa in ay noqdaan haween iyo 10 dhalinyara.
  • Ergada urur-doorasho kastaa waxay metelayaan jilib hoose.
  • 23 Oktoobar - 10 Noofembar: Urur-doorasho kasta oo ka mid ah 275 ururu-doorasho wuxu u codayn doonaa xubin ka mid noqonaysa aqalka hoosee baarlamanka. Kuraasta waxa lagu qaybiyay habka awood qaybsiga ee "4.5" afar iyo barka taas oo ah in afarta beelood ee waawayn ay helayaan saami is leeg halka ay beesha shanaad ee laga tiarada badan yahay helayso tirada ay kuwa waawayni qaateen badrkeed.
  • Marka la gaadho 5 Okoobar: Dowlad goboleedyada cusub ee federaalka Soomaaliya waxay soo xuli doonaan 54 ka xubnood ee aqalka sare.
  • 23 Oktoobar: Gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa la dooranayaa.
  • 30 Noofembar: Xubanaha labada aqal ayaa dooranaya gudoomiye iyo madaxweyne.

Xigasho: Qaramada Midoobay

Hanaankani wuu ka duwan yahay kii hore

Qaramada Midoobay, deeq bixiyeyaasha dibadda iyo Soomaali badan oo ka qayb qaadanay hanaankan ayaa sheegaya in habkani ka duwanaan doono kii 2012-kii. Waxay ku celceliyaan in markan ay dadkii hanaankii hore ka qayb galay boqol laabkood ay haatan soo dooran doonaan hogaamiyeyaasha cusub. Sidaas oo ay tahay tirada dadka wax soo xulayaa way yartahay.

Sannadkii 2012 kii 135 hogaamiye beeleed ayaa doortay xildhibaannadii doortay madaxweynaha. Haatan 14,025 qof ayaa dooran doona xildhibaannada, tiradaasi waa in ka yar 0.2% tirada dadka Soomaaliya. 14,025 qofna waxa soo xulay 135 hogaamiye beeleed.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha haatan Xasan Sheekh Maxamuud waxa la doortay madaxweynaha dowladii u horaysay ee federaal ah 2012

Sidoo kale waxa jira farqi kale.

2012 kii cod bixintu waxay ka dhacday caasimadda Muqdisho, dhacdadaas oo xiligaa ahayd wax aan hore u dhicin maadama doorashooyinkii hore lagu qaban jiray dalka dibadiisa nabad gelyo darrada wayn ee ka jirta Soomaaliya awgeed.

Haatan urur-doorasheedyadu waxay ku codayn doonaan xarumaha gobollada iyo Muqdisho ba. Sidoo kale waxa jira qoondo aan la dhaafi karin oo loo gooyay haweenka iyo dhalinyarada ka qayb qaadanaya habkan xulidda, in kasta oo aanay caddayn in sidoo kale tiradan loogu talo galay ay haweenka iyo dhalin yaradu ka heli doonaan baarlamaanka.

Waxa kaloo jirta in kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab ay khatar ku yihiin dadka ka qayb qaadanaya sidoo kalana ay weerarro joogto ah ku qaadaan Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Waana sababta dhalisa in la is weydiiyo sababta ay dadku iyadoo khatartaasi jirto ay qaarkood u doonayaan in ay xildhibaano ka noqdaan Soomaaliya.

Soomaaliya waa meesha ugu khatarta badan dunida ee siyaasi laga noqdo. Afartii sannadood ee la soo dhaafay oo keli ah 18 xildhibaan ayaa la dilay. Qaarkood waxaa dilay Al-Shabaab kuwo kalena waxa loo dilay aano qabiil.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: 'Musuq iyo handadaad' hareeyay doorashada Soomaaliya