Puntland: Codaynta xubnaha Aqalka Sare oo dhamaatay

Baarlamaanka Puntland Lahaanshaha sawirka Axmed Jamac
Image caption Xulida Aqalka Sare oo ka socota baarlamaanka Puntland ee Garoowe

Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa lagu soo gabagabeeyay codeynta xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Puntland oo 11 xubnood leh waxaa guuleystay:

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, Cabdirisaaq Cusman Jurrile oo hore u ahaa xildhibaan baarlamaanka federalka, Farhan Ali Ahmed, Cabdisalaan Xaaji Maxamed, Mahad Sheekh Nuur, Hodan Maxamud Cusmaan, Bootaan Barre Bootaan, Maxamud Axmed Maxamud, Saciid Xasan Cismaan iyo Shukri aadan mahamad.

Markii ay dhamaadaan doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare ee gobolada oo dhan ayaa la bilaabi doonaa doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka, kadibna labada aqal ayaa dooran doona madaxweynaha.

Jadwalkii u dambeeyay ee dooraashada

135 hogaamiye beeleed ayaa soo xuli doona 14,025 ergay oo isu qaybinaya 275 urur-doorasho oo midkiiba ka koobanyahay 51 xubnood.

Ugu yaraan 16 xubnood oo ka tirsan urur-doorasho kastaa waa in ay noqdaan haween iyo 10 dhalinyara.

Ergada urur-doorasho kastaa waxay metelayaan jilib hoose.

23 Oktoobar - 10 Noofembar: Urur-doorasho kasta oo ka mid ah 275 ururu-doorasho wuxu u codayn doonaa xubin ka mid noqonaysa aqalka hoosee baarlamanka. Kuraasta waxa lagu qaybiyay habka awood qaybsiga ee "4.5" afar iyo barka taas oo ah in afarta beelood ee waawayn ay helayaan saami is leeg halka ay beesha shanaad ee laga tiarada badan yahay helayso tirada ay kuwa waawayni qaateen badrkeed.

Marka la gaadho 5 Okoobar: Dowlad goboleedyada cusub ee federaalka Soomaaliya waxay soo xuli doonaan 54 ka xubnood ee aqalka sare.

23 Oktoobar: Gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa la dooranayaa.

30 Noofembar: Xubanaha labada aqal ayaa dooranaya gudoomiye iyo madaxweyne.

Xigasho: Qaramada Midoobay

Lahaanshaha sawirka Axmed Jamac
Image caption Xulida xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa ka socota gobolada
Lahaanshaha sawirka Axmed Jamac
Image caption Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay qaar ka mid ah dadka loo soo xulay inay ka mid noqdaan Aqalka Sare
Lahaanshaha sawirka Axmed Jamac
Image caption Qaar ka mid ah dadka tartamaya ayaa isku sharaxay madaxweynenimada Soomaaliya

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan