Wariyihii Al Jazeera oo xabsiga laga sii daayay

Xamza Maxamed wuxuu u shaqeeyaa TV-ga Aljazeera Lahaanshaha sawirka HAMZA MOHAMED
Image caption Xamza Maxamed wuxuu u shaqeeyaa TV-ga Aljazeera

Ciidammada nabad sugidda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xabsiga ka sii daayeen Xamse Maxamad oo ah weriye ka tirsan telefishanka saldhigiisu yahay Dooxa ee Al-Jazeera oo shalay xabsiga loo taxaabay.

Weriyaha ayaa laga qabtay duleedka Muqdisho sida ay sheegeen ilo ku dhaw hay'adda sirdoonka qaranka.

Weriyaha waxa lala xiray sawir qaade la socday iyo nin darawal ah oo iyagana hadda la soo daayay.

Hay'adda sirdoonka qaranka ee NISA ma aysan sheegin sababta ay u xirtay weriyaha balse ilo madax bannaan ayaa BBC-da u sheegay in loo haysto weriyaha iyo kooxda la socotay inay warar ka soo duubeen xarakada Al-Shabaab oo maamusha deegaano ka tirsan konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixin dhawaan ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu khatarta badan ee weriye ka shaqeeyo aduunka oo dhan iyadoo tan iyo 2012 kii lagu dilay inkabadan 30 weriye.