Xaashi Cumar oo laga soo daayay xabsi Talyaaniga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaashi Cumar oo xirnaa 18 sano ayaa laga soo daayay xabsi Talyaaniga

Xaashi Cumar Xasan oo nin Soomaali ah oo muddo 18 sano ah ku xirnaa xabsi ku yaal Talyaaniga ayaa la soo daayay, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994-kii ayaa la soo daayay.

Dilka ayaa loo gaystay gabar wariye ahayd oo ka tirsanayd Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaade la socday ayaa shalay la siidaayey.

Xaashi Cumar ayaa maxkamad ku taal magaalada Perugia ee dalka Talyaaniga, waxay xukuntay inaanu wax dambi ah lahayn isla markaana uu xaq u leeyahay in uu xoriyadiisa si buuxda u helo.

Gabadha wariyaha ayaa Soomaaliya u tagay si ay ugu sameeyaan baaritaano eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey dad loogu yeeray hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

Ilaria Alpi ayaa tagtay magaalada Boosaaso ka dibna waxay timid magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay March 20, 1994.

Waxaa jira eedeymo sheegaya in sawiradii laga qaaday markii la dilay saxafiyiintaas, waraaqihii baaritaanka caafimaadka markii uu dilku dhacay, qalabkii ay adeegsanayeen sida kaamirooyinkii iyo xogtii u duubnayd la waayey meel ay ka baxeen.

Xaashi Cumar Xasan, ayaa markii la siidaayey wuxuu u waramay Mowliid Xaaji oo BBC Somali ka tirsan oo waydiiyey siideynta la siidaayey iyo arrimaha lagu haystey.