Barakacayaal ku nool Baladweyne oo cabanaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal ku nool Baladweyne oo cabanaya

Boqollaal qof oo abaar iyo cunno yari uga soo barakacay gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay muddo bilooyin ah ku noolaayeen xeryo ku yaal magaalada Baladweyne.

Dadkan naftooda la soo cararay ayaa waxa ay haatan ka cabanayaan in aanay Baladweyne ku helin cunto iyo hoyba, waxa ayna sheegayaan in aanay waddo kale u furnayn inay halkaa iska sii joogaan mooyee.

Haddaba waxaannu khadka taleefanka ee xerada Nasiib ee Baladweyne kula xiriirnay Faadumo Qaadi Xuuriye oo ah hooyo dhashay 9 carruur ah sidoo kalana gacanta ku hayso hooyadeed oo 80 jir ah.

Xaaladda ay ku nool yihiin ayay uga warrantay Fardowsa Maxamed Cilmi.