Cuba oo looga arrinsanayo Zika

Zika
Image caption Cunug qaba cudur-sidaha Zika.

Khubaro caafimaad oo ka socda in ka badan 30 dal oo ku yaalla Latin Amerika iyo Caribbean-ka ayaa ayaa leh kulankii ugu horreeyay ee looga hadlay cudur-sidaha Zika.

Ururka caafimaadka adduunka ayaa rumeysan in Zika uu sababay in carruur badan oo gobolkaasi ku dhashay ay yeeshaan xaalad dhanka maskaxda ah.

Kulanka ayaa waxaa martigeliyay dalka Cuba, kaasoo ku guuleystay in uu xakameeyo faafidda Zika ee gudaha waddankaasi.

Dr Clarrissa Etienne oo ah agaasimaha ururka Pan American Health Organisation, ayaa sheegay in ogaanshaha, baaridda iyo ka hortaga ay yihiin tallaabooyinka ugu muhiimsan la dagaallanka Zika.