UN oo sheegtay in Daacish ay rayidka Mosil ka dhigatay gabaad

Ciidana Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidanka Ciraaq iyo xulufadooda oo ku sii durkaya Mosul

Qaramada Midoobey laanteeda xuquuqda Aadanah ayaa sheegtey in ay dagaalyahanada Daacish ay ilaa 500 oo qoys ay ka kaxaysteen tuulooyinka magaalada Mosul iyaga oo geeyey gudaha magaalada.

Waxaa laga cabsi qabaa in ay dadkaasi u isticmaali doonaan gaashaan. Afahayeen u hadashay urukaasi ayaa sheegtey in ay baarayaan warar sheegaya in ay daacish 40 qof oo shacab ah ay ku dillen tuulo keliya.

Hogaamiye ka tirsan ciidammada Ciraaq ayaa BBC-da u sheegey markii ay ciidamadiisu gudaha u galeen tuulada Shamdasani ay cidla ahayd taasina buu yiri ay muujineyso in dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa tuulada loo kaxaystey afduub

Ciidanka Ciraaq iyo xulafadiisa ayaa kusii durqaya magaalada Mosul ee uu gacanta ku hayo ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Taliyayaasha ciidankaasi ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bartella ee u dhaw Mosul.

Waxa ay sheegeen in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee qoryaha ay ku rakin ban yihiin ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi.

Xooggaga dowladda Islaamiga ayaa gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay u adeegsaday iska caabinta weerarkaasi, ka hor inta aan laga adkaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in dagaalyahannada ururkaasi ay dab qabad siiyeen warshad kiimikada samaysa oo ku taalla koonfurta Mosul.

Dab noocaasi ah oo sanadkii 2003 ka kacay warshadaasi ayaa waxa uu gubanayay muddo todobaadyo ah, waxaana uu hawada u diray cadad badan oo ah gaaska sulphur dioxide.