Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya

Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in wixii ka billowdo maanta ay mamnuucday dhageysiga iyo daawashada wararka xarumaha warbaahinta laga leehay dalka Hindiya.

Mamanuucidani ayaa ah mid gabi ahaanba aan kala soocayn warabaahinta Hindiya , waxaana xitaa ku jira ruwaayadaha iyo filimada Bollywood-ka.

Hay'ada maamusha warbaahinta Pakistan ee PEMRA ayaa sheegatay in ciddii amarkaasi u hogaansami weydo la xiri doono.

Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee ku yaal koonfurta Aasiya ayaa sii xumaanayay bilihii u danbeeyay , iyadoo immikana saxaafadu ay noqotay goobtii u danbeeysay ee lagu hardamo.