Dowladda Suuriya oo lagu eedeeyay isticmaalka sun halis ah

colaadda Suuriya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Carruur ayaa ku waxyeelowday hubka kiimikada ah ee loo adeegsaday deegaanada mucaaradka Suuriya.

Qaramada Midoobey iyo hay'ad caalami ah ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Suuriya uu sunta halis ah u adeegsaday dagaalka uu kula jiro kooxaha mucaaradka.

Waxaa warbixintan lagu sheegay in deegaanada la bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin Qmenas oo Idlib ku taala.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa jirtay in baarayaal caalami ah ay sheegeen in la helay diyaarad riday fuustooyin ay ku jiraan sunta Chlorine-ka oo adeegsigeeda mabnuuc ka ah caalamka.

Isla sanadkii hore dowlada Suuriya waxaa lagu eedeeyey isticmaalka suntaasi Chlorine-ka.

Sidoo kale kooxda khilaafada Islaamka ayaa Iyana lagu eedeeyey isticmaalka hubka kiimikada.