Xoghayaha difaaca Mareykanka Ash Carter oo qiimeynaya duullaanka Moosil

Xoghayaha difaaca Mareykanka Ash Carter Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xoghayaha difaaca Mareykanka Ash Carter

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Ash Carter ayaa ku sugan magaalada Baqdaad.

Wuxuu halkaasi u tagay inuu qiimeyn ku sameeyo sida uu u socdo ololaha ay taageerayaan ee lagu qabsanayo Moosil.

Ash Carter ayaa la filayaa inuu la kulmo ra'iisul wasaaraha Ciraaq Xaydar Al-Cabadi oo uu kala hadlo sida ururka la baxay Khilaafada Islaamka looga saarayo magaalada.

duullaanka lagu qabsanayo magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ayaa maalintii lixaad galay.

Militariga Ciraaq ayaa waxa ay sheegayanaayn inay qabsadeen deegaanka Qaraqosh, taas oo masiixiyiin ay ku noolaan jireen ka hor intaysan daacish galin, sanadkii 2014kii.

Balse, Ciidamada dalka Ciraaq ayaa waxa ay la kulmayaan caqabado kaga imaanaya ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Moosil waxaa ka qaxaya dadka "dhexdhexaadka ah" sida ay UN sheegtay

Weriye Tirsan BBC-da oo la socda ciidamada Ciraaq wuxuu sheegayaa in daacish ay qaadeyso weeraro isqarxin ah.

Weeraradaasi waxaa fulinaya dad wada gawaarid xawaare ku socda oo laga buuxiyay waxyaabo qarxa.

Qaar ka mid ah waxaa lala eegtay meelaha ay ciidamada Ciraaq ka qateen dhofeysyada ee deegaanka Al-Qayarah ee Koofurta Moosil.

Ciidamada Ciraaq si ay isaga difaacaan weerarada noocaas ah waxay isticmaalayaan hubka lidka ku ah Taangiyada oo ay ku qarxinayaan gawaarida daacish.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mareykanka ayaa hawada ka duqeynaya Moosil

Sidoo kale dagaal ayaa ka socda magaalada Kirkuk ee koofur-bari Ciraaq.

Dagaal yahano ka tirsan daacish ayaa Magaaladaasi ku qaaday weerar u muuqda in jihada ciidamada ku socda Moosil lagu wareejinayo.

Sarkaal sare oo ka mid ah ciidamada Ciraaq wuxuu sheegay in ugu yaraan 17 dagaalyahan ay dagaalkaasi ka qeybgalayaan, kuwaas oo ka mid ah ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan