Heshiiska ganacsiga ee Canada iyo EU oo burbur ku dhow

Paul Magnette wuxuu hoghaaminayaa mucaaradka gobolka Wallonia ee Canada Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Paul Magnette wuxuu hoghaaminayaa mucaaradka gobolka Wallonia ee Canada

Madaxweynaha baarlamaanka Yurub, Martin Schulz, ayaa kullamo degdeg ah ku baaqay si loo badbaadinayo heshiiska ganacsiga xorta ah ee Canada ay la wadagaan.

Waxa uu la kulmayaa wasiirka ganacsiga ee dalka Canada, Chrystia Freeland.

Sidoo kale wuxuu galabta la kulmi doonaa Paul Magnette, madaxa gobolka Wallonia oo heshiiskaasi is hortaagay.

Mr Magnette waxa uu raadinayaa in la cadeeyo sida heshiiska uu u ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in la sharaxo in heshiiska ganacsiga xorta ah uu yahay mid kaalin ka qaadanaya hanaanka dhowridda deegaanka iyo macaamiisha.

Wasiirka ganacsiga ee Canada, Chrystia Freeland, ayaa isaga baxday kullan jimcihii ay EU la yeelatay.

Waxa ay sheegtay inay cadahay inaysan heshiis lagali karin midowga Yurub kaddib todobo sano oo wadahadallo ay labada dhinac u socdeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan