Xabad joojinta Yaman oo maanta ay ugu dambeysay

Duqeyntii ugu dambeysay ee isbeheysiga Sucuudiga uu ka geystay Yaman waxaa ku dhimatay in kabadan 140 qof. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqeyntii ugu dambeysay ee isbeheysiga Sucuudiga uu ka geystay Yaman waxaa ku dhimatay in kabadan 140 qof.

Qaramada midoobeey waxay isku deyeysaa in la kordhiyo heshiiska xabad joojinta seddaxda maalmood ka socotay dalka Yaman, taas oo maanta dhammaanaysa.

Balse, weli waxay dagaallo ka socdaan qaar ka mid ah deegaanada dalkaasi, sida dad goob joogayaal ah ay ku warramayaan.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Yaman, Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, waxa uu sheegay in heshiiska xabad joojinta ay si wanaagsan kooxaha u aqbaleen.

iskuduwaha arrimaha aadanaha ee UN u qaabilsan dalka Yaman, Jamie McGoldrick, ayaa sheegay in cunto iyo daawo la gaarsiiyay shacabka muddadii xabad joojinta ay socotay.

Goobaha gargaarka la gaarsiiyay waxaa ka mid ah deegaanada fog ee miyiga ah oo aanan gurmad helin muddadii colaadaha ay dalkaasi ka socdeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan