Alshabaab oo qabsatay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

Dagaal yahanada Alshabaab Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dagaal yahanada Alshabaab

Al-Shabaab ayaa qabsatay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya kadib markii ay ka guureen ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa u baxay wadada aada dhinaca magaalada Beledweyne.

Halgan waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde, waxayna saarantahay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Koonfureed iyo kuwa waqooyi ee wadanka.

Halgan waxay qiyaastii 75 km, dhinaca konfur-bari uga beegantahay magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay qabsadeen Halgan 7dii bishii August ee sanadkii hore ee 2015.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada AMISOM waxay ka howl galaan qeybo ka mid ah Soomaaliya

Ciidamada Itoobiya waxa ay bilihii ugu danbeeyay ka baxeen deegaanada Ceel Cali iyo Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca gobolka Bakool waxa ay isaga baxeen deegaanada Rabdhuure, Buurdhuxunle, iyo Garasweyne. Dhinaca gobolka Galgaduud waxa ay ka guureen deegaanada Budbud, iyo Galcad.

Ma jiro waxa war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya oo ku aadan ka bixitaankooda deegaano dhawr ah oo ku yaala konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bixitaankan u dambeeyay ee Halgan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ay wajaheyso mucaaradad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha dalkaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan