Daacish oo ku duushay magaalada Rabta ee dalka Ciraaq

Daacish ayaa sidoo kale maalmo ka hor weerartay magaalada Kirkuk Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Daacish ayaa sidoo kale maalmo ka hor weerartay magaalada Kirkuk

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq waxay sheegayaan in ururka la baxay Khilaafada Islaamka ay weerar ku qaaday magaalo lagu magacaabo Ratba.

Magaaladan waxay ku taalla dhanka Galbeed ee dalka Ciraaq.

Weerarkan ayaa lagu micneeyay in uu ka mid yahay dadaalada daacish ay ku wareejineyso dagaalka ku wajahan Moosil.

Maayarka magaalada Ratba ee gobolka Anbar wuxuu sheegay in dagaalyahanada daacish ay magaalada kala jareen.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada amniga ee Ciraaq ay dagaal xoog badan la galeen dableyda.

Maayarka waxa uu codsaday in ciidamo dheeraad ah ay dowladda Ciraaq ka helaan si ay isaga difaacaan kooxda weerartay Ratba.

Dagaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda Ciraaq iyo Kurdiyiinta ay sii wadaan duullaanka ka dhanka ah Moosil.

Ujeedada weerarkaasi waxa uu yahay in ururka la baxay Khiolaafada Islaamka looga saaro magaalada labaad ee Ciraaq ugu weyn Ciraaq ee Moosil.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan