Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeyay magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado
Image caption Magaalada Cadaado

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, waxay sheegayaan in ciidamo AMISOM ka socda halkaasi la geeyay maanta.

Ciidamada halkaasi gaaray waxa ay ka kala socdaan dalalka Jabuuti iyo Burundi, sida ay sheegayaan dad ku dhow AMISOM.

Ujeedada ciidamadan loo geeyay Cadaado ayaa lagu sheegay inay tahay inay ilaaliyaan amniga doorashooyiinka halkaasi ka dhici doona.

Ciidamadan AMISOM ka socda ee la geeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, waa kuwii ugu horeeyay ee halkaasi la geeyo.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Cadaado ayaa soo dhaweeyay ciidamada AMISOM. Waxay xarumo ka sameysteen qeybo ka mid ah magaalada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan