Qof ku dhintay dhismaha garoomada Qadar ee 2022-ka lagu ciyaari doono

Qadar Waxay u diyaar garoobeysaa inay qabato koobka adduunka ee ciyaaraha kubadda cagta ee 2022-ka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qadar Waxay u diyaar garoobeysaa inay qabato koobka adduunka ee ciyaaraha kubadda cagta ee 2022-ka

Qaban qaabiyayaasha ciyaaraha adduunka ee 2022-ka waxa ay sheegayaan in qof ka mid ah saqaalaha garoomada Qadar uu dhintay.

Waxa ay sheegayaan in qofka shaqaalaha ahaa uu dhintay sabtidii, balse sharaxaad ka maysan bixin.

Waxaa horey qaban qaabiyayaasha iyo dowladda Qadar loogu eedeeyay in aysan masuuliyad iska saarin badqabka shaqaalaha.

Balse, waxay isku difaacayaan in illaa iyo hadda seddax qof ay dhinteen xilli ay ku guda jireen shaqada dhismaha garoomada.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxa ay sheegayaan in tobannaan qof oo shaqaalaha ka mid ah ay ku dhinteen shilal dhismayaasha ka dhex dhacay.

Mowduucyada la xiriira