Gobolka Wallonia ee Belgium ayaa xayiray heshiis ganacsi ee Ceta ee Midowga Yurub uu la galayo Canada

Calaamad ay wataan dad ka soo horjeeda heshiiska Ceta oo jooga baarlamaanka Walloon ee Namur - 21 October Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyinka dhowr waddan ee Midowga Yurub oo looga soo horjeedo heshiisyada Ceta iyo TTIP

Belgium ma saxiixi karto heshiis ganacsi oo muhiim ah oo ay Midowga Yurub la galayso Canada, ayuu sheegay ra'iisalwasaaraha Charles Michel, sababtoo ah gobolka Wallonia oo ay ka taliyaan siyaasiyiin hantiwadaag ah.

Hadalkiisa ayaa u eg inuu joojiyay rajadii laga lahaa heshiiska Ceta inay saxiixaan hogaamiyayaasha Midowga yurub iyo Canada Khamiista.

Mr Michel ayaa sheegay in wadahadalka lalahaa gobolka Belgium ee ku hadla afka Faransiiska inaan lagu guulaysan.

Tani waa heshiiskii ganacsi ee ugu muhiimsanaa Midowga Yurub, laakiin Begium ayaa doonaysa inay hesho gobolka ka tirsan inuu saxiixo inuu ogolaaday.

Mr Michel ayaa sheegay inuu u sheegay Gudoomiyaha Golaha Yurub, Donald Tusk, in Belgium aysan saxiixi doonin heshiiska oo la yiraah Comprehensive Economic and Trade Agreement (Ceta).

27 dawladood ee Midowga Yurub ayaa doonaya inay saxiixaan Ceta, oo laga wada hadlayay toddobo sano.

Gudiga Yurub ayaa siiyay Belgium ilaa Isniinta maanta inay go'aan ka gaaraan heshiiska.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hogaamiyaha Belgian Charles Michel ayaa shir kula yeeshay waddamada Midowga Yurub magaalada Brussels toddobaadkii hore

Wallonia, oo ah gobol ay ku nool yihiin 3.6 milyan oo qof , ayaa doonaysa damaanadqaad badan oo la siinayo shaqaalaha, deegaanka iyo macaamiisha heerka laga rabo.

Isniintii, waxaa soo baxday laba gobol oo kale oo ku hadla Faransiis in baarlamaankooda uu diiday heshiiska Ceta.

"Dowladda federaalka, dadka ku hadla Jarmalka iyo Flanders ayaa ogolaaday. Wallonia, dowladda Brussels iyo dadka Faransiiska ayaa diiday" ayuu dhahay Mr Michel.

Cabsida hantiwadaaga Belgian ayaa la mid ah dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda ganacsiga xorta ah, oo sheegay in Ceta iyo heshiisyada la mid ah ay siinayaan awood badan shirkadaha caalamiga- awoodaas oo yarayn karta awooda dowladda.

Waxaa jiray mudaaharaadyo waawayn oo ka dhacay waddamada Midowga Yurub qaar oo looga soo horjeedo heshiisyada ganacsi ee Ceta iyo TTIP ee u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Maraykanka.

Axadii, Guddiga Yurub ayaa u gudbiyay gobolka Wallonia faahfaahin hab lagu xaliyo khilaafka ka dhasha heshiiska.

Laakiin sida ay sheegtay warbaahinta qaar siyaasiyiinta Walloonia ayaan ku qanacsanayn habka lagu xalinayo khilaafka.

Waa maxay Ceta?

Canada iyo Midowga Yurub ayaa joojinaya 98% canshuurta markii heshiiska Ceta uu hirgalo, taasoo laga wada hadlayay in ka badan shan sano.

Dadka taageeraya heshiiska ayaa sheegay inay kordhin doonto ganacsiga ka dhaxeeya waddamada 20%, ayna sidoo kale caawinayso ganacsiga yaryar.

Dadka dhaleecaynaya ayaa sheegay in heshiiska uu hoos u dhigayo tayada alaabada iyo inuu difaacayo shirkadaha waawayn, oo suurto galinaya inay dacweeyaan dowladaha.

Donald Tusk ayaa hadda laga sugayaa inuu u sheego ra'iisalwasaaraha Canada, Justin Trudeau, in saxiixa Ceta oo la qorshaynayay inuu ka dhaco Khamiista Brussels inuusan dhacayn.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan