Kenya oo sheegtay in weerarkii Mandera gudaha laga abaabulay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Mandera

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenya ayaa ka baaqday safar uu ku aadi lahaa dalka Angola, kaddib weerarkii Mandera.

Sababta arrintaasi ayaa lagu tilmaamay inay tahay in madaxweynaha uu taageero u muujinayo ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkii xalay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka tacsiyeynaayo dhacdadaasi.

"Qofkastoo Kenyan ah oo niyadsan, Muslim ama Masiixi ah, wuu og yahay in qof aan waxba galabsan la dilo inay qalad tahay. Shacabka Kenya ma ogolaanayaan in diimo loo kala qeybiyo, taas oo argagixisada ay doonayaan", ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

Dhanka kale, iskuduwaha arrimaha amniga gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Maxamud Salax ayaa diiday in Alshabaab ay ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Mandera.

Maxamud Salax oo xafiiskiisa Garissa warbaahinta kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerka ay ka dambeeyeen "burcad deegaanka Mandera ka soo jeeda".

Iskuduwaha arrimaha amniga ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in "xuduudda ay xiran tahay lixda maqribnimo illaa aroortii, aysanna suuragal ahayn inay kooxo hubeysan kasoo gudbaan".

Wuxuu intaasi ku dharay, "Hadda way cadahay in shacabka Mandera aysan la shaqeyneyn laamaha amniga oo aysan keeneyn warar sugan oo keeni kara in dableyda la xiro".

Kooxda Islaamiyiinta Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambaysay weerarkaasi xalay lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Mandera ee waqooyi beri Kenya.

Weerarkaasi waxaa ku dhimatay 12 qof. Website xiriir la leh kooxda Shabaab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa dadka Masiixiga ah ee aan ka soo jeedin deegaankaasi.

Lahaanshaha sawirka Ibrahim Hapy
Image caption Kuwa la dilay waxay ku sugnaayeen dhismahan

Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka magaaladda ka billaabay howgallo, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsida.

Weriye magaaladaasi ka hawlgala ayaa BBC-da u sheegay in xittaa masaajidda ku yaalla bartamaha magaalada aanan saaka lagu tukan salaadda subax.

Qaar ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay inay ahaayeen masuuliyiin ka yimid Nairobi oo ku howlanaa diyaarinta imtixaanaadka qaran ee dugisyada sare.

Lahaanshaha sawirka Ibrahim Happy
Image caption Qararx ayaa lala eegtay huteelka ka hor inta asyan dableydu gudaha u galin

Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaldaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan dalka Kenya tan iyo inta ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo

Mowduucyada la xiriira