60 askari oo lagu dilay dalka Pakistan

weerarka Pakistan Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah oo la gaynayo isbitaal

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarun booliska lagu tababaro oo ku taala bannaanka magaalada Quetta ee koonfur Galbeed dalka Pakistan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof oo ka tirsan askartii tababarka ku jirtay iyo dhawr qof oo ilaalo ahaa.

Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa boqol qof oo kale.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa cgta mariyay qaybta jiifka ee xeradaasi ciidam, waxa ayna qafaasheen tiro badan oo ka tirsan askartii halkaa degganayd.

Ciidamada Dowladda oou soo gurmaday ciidamada la weeraray, ayaa toogtay qaar ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday, haseyeeshee waxaana markiiba is qarxiyay qaar kale oo ka tirsan dableydaasi.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa boqol qof

Ilaa haatan ma jirta cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu rumeysan yahay in ragga weerarka soo qaaday laga soo hagayay gudaha dalka Afqaanistaan.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Howlgalka mintidiinta looga saaray goobta wuxuu socday dhawr saacadood

Magaalada Quetta ayaa ah magaalada ugu weyn gobolka Balochistan, waxaana mintidiinta Islaamiga ah iyo kooxo fallaago ah ay kal hore halkaasi ka gaysteen weerarro noocan oo kale ah.

Labo bilood ka hor, 70 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay cusbital ku yaalla magaaladaasi Quetta.