Saldhigga AMISOM ee magaalada Beledweyne oo la weeraray

AMISOM waxay ka howlgashaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption AMISOM waxay ka howlgashaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya

Weerar is qarxin ah oo is rasaaseyn ay xigtay ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Weerarkaasi ayaa lala eegtay saldhigga ciidamada Jabuuti oo ku yaalla xaafada Howlwadaag ee galbeedka Beledweyne.

Dadka deggan xaafadaha ku dhow meesha la weeraray waxay sheegeen in bur bur xoog leh uu geystay qaraxa oo xittaa gurayaha ku dhowa saldhigga ay dumeen.

Afhayeen u hadlay ciidamadaasi la weeraray wuxuu sheegay in laba askeri ay ka dhinteen shan kalena ay ka dhaawacmeen.

Wuxuu intaa ku daray inay iska caabiyeen weerarka oo lala eegtay saldhiga AMISOM ee Hiiraan.

Qof goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay qof dumar ah oo dhimatay iyo afar qof oo dhaawac ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo la hadlay madaxweynaha Jabuuti ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada askarta Jabuuti.

Dhanka Alshabaab waxay sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegatay inay 17 askeri ku dileen duullaankaasi.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan