Wargeyskii ugu weynaa Itoobiya oo shaqada joojiyay

Wargeyska ayaa warar ku saabsan dibad baxyada ka dhanka ah dowladda daabici jiray Lahaanshaha sawirka Addis Standard
Image caption Wargeyska ayaa warar ku saabsan dibad baxyada ka dhanka ah dowladda daabici jiray

Wargeyskii ugu weynaa dalka Itoobiya ee, the Addis Standard, ayaa joojiyay shaqada.

Arrintaasi waxay ka dhalatay xaaladda degdegga ah ee dalkaasi la geliyay horaantii bishan.

Maamulka wargeyska waxay sheegayaan inay baahin jireen warar kala duwan ayagoo xaalad xakameyn ah ku dhex shaqeynaayay.

Balse, xaaladda degdegga ah ayaa cakirtay in howshaas ay sii wadaan, sida ay xuseen maamulka.

Bishan, wargeyskaasi "the Addis Standard" wuxuu sameeyay qeyb gaar ah oo loogu magacdaray xasuuqii Irreecha.

Goobtaasi waxaa ku dhimatay 50 qof ama sida la aaminsan yahay ka badan.

Dadka dhintay waxay ka cararayeen ciidamada amniga ee Itoobiya.

Qeybta internetka ee wargeyska ayaa shaqada sii wadi doonta.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan