UN: Daacish waxay gumaadeysaa dadka rayidka ah ee Moosil

Moosil iyo nawaaxigeeda waxaa ka qaxaya kumannaan qof oo ka cararaya dagaalka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Moosil iyo nawaaxigeeda waxaa ka qaxaya kumannaan qof oo ka cararaya dagaalka

Qaramada Midoobeey ayaa waxay sheegeysaa inay heleyso warar ku saabsan in ururka labaxay Khilaafada Islaamka ay dilayaan dadka shacab ah.

UN ayaa sheegeysa in dilalkaasi ay ka dhacayaan magaalada Moosil ee dalka Ciraaq.

Magaaladaasi waxaa ku wajahan ciidamada Ciraaq oo garab ka helaya kuwa Mareykanka, Kurdiyiinta iyo maleeshiyaad kale oo is beheystay.

Qaramada midoobey ayaa in taasi ku dartay inay heshay warar sheegaya in hal goob 15 qof lagu dilay si dadka loo cabsi geliyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in daacish ay dishay seddax dumar iyo seddax gabdhood.

Haweenkaasi waxa ay daba socdeen dad lagu qasbay inay goob kale isugu tagaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ururka labaxay Khilaafada Islaamka ay dileen 15 qof oo horey booliska uga mid ahaan jiray.

Dadkaasi waxay ahaayeen maxaabiis muddo gacanta ugu jiray daacish.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan