Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay ka bixitaanka Itoobiya ee Tiyeeglow
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay ka bixitaanka Itoobiya ee Tiyeeglow

Wararka aanu ka heleyno magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bexeen.

Dagaal yahanada Alshabaab ayaa la wareegay magaaladaasi kaddib markii ciidamadaasi ay baneeyeen.

Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa waxa ay u bexeen dhanka degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida dadka goob jooga ah ay BBC-da u sheegeen.

Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay qabsadeen Tiyeeglow 25kii bishii August ee sanadkii ee 2014.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da uga warramay arrintaasi sida ay u arkaan. wuxuu u warramay Maxamud Cali.

Mowduucyada la xiriira