Puntland oo ka hadashay qabsashada degmada Qandala

Puntland ayaa horey dagaal ula gashay xubno ka mid ah Daacish oo deegaanadaasi ku sugnaa
Image caption Puntland ayaa horey dagaal ula gashay xubno ka mid ah Daacish oo deegaanadaasi ku sugnaa

Gudoomiyaha degmada Qandala,Jaamac Maxamed Khuurshe, ayaa BBC-da u sheegay in qiyaastii 50 dagaal yahan oo taageersan daacish ay la wareegeen degmadii uu maamulayay.

Wuxuu tilmaamay in markii hore aysan ogeyn in koox taageersan daacish ay nawaaxiga Qandala ku sugan tahay. Laakiin wuxuu qiray in ururka la baxay Khilaafada Islaamka taageerayaashooda ay dhulka buuraha ku sugnaayeen.

Dadka ku nool Qandala ayaa waxa ay sheegayaan in dableydaasi ay magaalada ka sureen calanka ururka isku magacaabay Khilaafada Islaamka.

Gudoomiyaha ayaa u sheegay BBC-da in kooxdaasi taageersan daacish ay qaraxyo magaalada ka sameeyeen.

Waxaa jiro kooxo taageersan daacish oo ku sugan Soomaaliya, balse ma jiro wax war ah oo madaxda ugu sareysa ururkaasi ka soo baxay oo cadeynaya inay Soomaaliya ka howlgalaan iyo in kale.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan