Farshaxanistayaal olole nabadeed ka bilowday Sudaanta Koofureed

Ololahan waxaa la isugu keenayaa dadka qabaa'ilka u kala baxay Lahaanshaha sawirka Ana Tabaan
Image caption Ololahan waxaa la isugu keenayaa dadka qabaa'ilka u kala baxay

Seddax sano oo ay dagaallo sokeeye afeeyen, koonfurta suudan farshaxanaadeeda ayaa iskugu yimid si ay uga hadlaan xasilooni darada dalkooda.

Waxay sameynayaan mashruuc ku saabsan farshaxanka oo ay ku qabanayaan magalada caasimadda ee Juba.

Darbiyada iskuullada, goobaha dhaqanka, meharadaha laga cunteeyo iyo gawaari ayaa lagu qoray erayo kusaabsan nabadda.

Lahaanshaha sawirka Ana Tabaan
Image caption Derbiyada ayey ku xardhayaan calaamadaha nabadda

Waxaa soo aas aasay ururka la yiraahdo Ana Tabcan (oo carabi ahaan loola jeedo ''waan daalay'') ayadoo magacaas ay wada isticmaalan dadka u ololeeya nabada ee ka dhisan dalka Suuriya.

Erey ayaay ku isticmaalen baraha bulshada oo ah #SaveTheLastTrain oo uu sameeyay abwaan Akol Miyen oo udhashay koonfurta Suudan kasoo cajabiyay farshaxanadaan.

Lahaanshaha sawirka Ana Tabaan
Image caption Waxay doonayaan in dalka South Sudan la badbaadiyo

''Tani waa dhaqdhaqaaqi ugu dambeeyay waayo furasadaheeni qarannimo waa ay sii baabaysaa'', sidaas ayeey yirahdeen kooxdan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan