Duqeyn lagu qaaday Idlib, Suuriya oo 20 qof ku dhimatay

Duqeymaha waxaa fuliya ciidamada Ruushka iyo kuwa dowladda Suuriya Lahaanshaha sawirka SYRIA CIVIL DEFENCE
Image caption Duqeymaha waxaa fuliya ciidamada Ruushka iyo kuwa dowladda Suuriya

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay duqeyn diyaarado ay ka geysteen deegaan ay mucaaradka Suuriya maamulaan.

Goobaha la duqeeyay waxaa ka mid ah dhisme iskuul, caruur ayaana la sheegayaa inay ka mid yihiin dadka dhintay.

Sawiro laga soo qaaday goobta waxay muujinayaan maydad yaalla xarun caafimaad oo horey looga guuray.

Telefishinka dowladda Suuriya oo dhacdada ka hadlay waxa uu sheegay in "xagjiriin lagu weeraray fariisimahooda".

Deegaanka la weeraray oo lagu magacaabo Haas, oo ka mid ah gobolka Idlib, waa meel ay aad ugu xoog badan yihiin mucaaradka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan