Xadgudubka ka dhanka ah haweenka xildhibaanada ayaa aad u badan, ayay sheegtay warbixin cusub

Codayn baarlamaanka Yurub , December 2014 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Codayn baarlamaanka Yurub

Xadgudubka ka dhanka ah xildhibaanada dumarka oo ay ku jirto xoog la isticmaalo ayaa aad u badan, ayay sheegtay warbixin cusub oo ay soo saareen ururka Inter Parliamentary Union (IPU).

Daraasaadka ay sameeyeen ururka caalamiga ee Inter Parliamentary Union (IPU), ayaa lagu soo saarayaa shirkooda sanadlaha ee ka dhacaya Geneva.

Ilaa 55 xildhibaan dumar ah oo ka qayb qaatay daraasaadka, ayaa ka socday baarlamaanada caalamka.

in kabadan 80% ayaa sheegay inay la kulmeen xadgudubyo ka dhan ah dumarka oo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwa dhinaca maskaxda iyo kuwo xoog la isticmaalayo.

Waxay sheegaysaa xadgudubyada ay dumarka siyaasiyiinta ee adduunka ay la kulmaan markay qabanayaan shaqooyinka loo doortay.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa sheegtay inay ka heshay in ka badan 500 oo hanjabaad kufsi barta Twitter ee bulshada afar maalin gudahood.

Xildhibaanad kale oo ka socota Asia, ayaa heshay hanjabaado la beegsanayo wiilkeeda, oo sheegaya iskuulkiisa, fasalka uu dhigto iyo da'diisa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Baarlamaanka Yurub oo ku kulmaya xaruntooda Strasbourg, ee Faransiiska

Dumarka daraasaadka ka qaybqaatay 65.5% ayaa sheegay in lala beegsaday caay iyadoo la isticmaalayo hadalo aflagaado ah iyo sawirro. Warbixinta ayaa ku talisay in in hadalada aflagaadada ay dhahayaan ragga ay wada shaqeeyaan dumarka ay caado noqotay.

"Meesha aan ku noolahay waxaa loo isticmaalaa hadalo badan oo kala duwan dumarka xildhibaanada" ayay sheegtay Prof Nkandu Luo, oo hadda ah wasiirka jinsiyada ee Zambia.

Waxay xasuusataa nin la shaqeeya inuu si cad u sheegy inuu jecel yahay inuu baarlamaanka imaado, sababtoo ah "dumarka oo dhan ayaa jooga wuxuuna dooran karaan mida uu rabo."

Hadalka, ayay sheegtay Professor Luo, in loo gudbiyay warfaafinta inay ahayd wax fiican oo la aqbali karo. "waa sida ay dumarka hoos ugu dhigaan."

Xadgudubka

Dhinaca kale Senator Salma Ataullahjan, ee Canada ayaa sheegtay in markii hore ay isdhahday daraasadan ima qusayso. " Waxaan iri, waxaan ka imid Canada, uma baahni inaan ka qayb qaato."

Laakiin, markay ka jawaabaysay su'aalaha daraasaadka, waxay sheegtay, wax ayaa u iftiimay. "Xildhibaan ahaan, dadka ayaan la kulanaa, waxaan kxasuustaa nin aad iigu soo dhawaaday."

'Ninka' ayaa hadalo ku dhahay Sen Ataullahjan, oo markaas is dhaafsiisay hadalka.

Laakiin xasuusta dhacdada markii ay daraasada samaynaysay, ayaa u muujisay inay la kulantay dhaqan aan fiicnayn oo qatar noqon kara.

Qofna 'kama badbaadayo'

Hadda, ayay sheegtay inay noqotay mid runta u sheegta nimanka ay la shaqayso.

"Waa inaan beddelnaa waxa loo arko hadalka caadiga ah iyo dhaqanka caadiga ah iyo waxa aan ahayn," ayay tiri,

Warbixinta ayaa ku soo gabagabaysay caado xadgudub oo kala duwan, inay ka hortagayso dumar badan oo la doortay inay shaqadooda u qabtaan si xor iyo ammaan ah.

Taas, ayaa ah sida uu sheegay madaxa IPU, Martin Chungong, waxyaabaha ugu walwalka badan ee warbixinta.

"Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah inay noqdaan hogaamiyaasha bulshada," ayuu dhahay. "Laakiin waxaan aragnaa in xildhibaanada baarlamaanka ee dumarka aysan badbaadayn.

"Marka hadii hogaamiyayaasha ay yihiin dhibanayaal xadgudubka ka dhanka ah dumarka, maxaad u malaynaysaa dadka caadiga ah?"

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan