Ugandha iyo South Sudan oo dhanka amniga iska kaashanaya

Labada dowladood ayaa ka wada shaqeynaya sugidda amniga xuduudda
Image caption Labada dowladood ayaa ka wada shaqeynaya sugidda amniga xuduudda

Dowladdaha Ugandha iyo Koonfurta Suudan ayaa si wadajir ah iskaga kaashanaya dhibaatooyinka amni darada ee ka taagan xuduudahooda.

Arrintan waxay ka dambeysay ka dib markii dhowr weerar loo geestay dadka iskaga safra laba dal sida uu qoray wargeys kasoo baxa uganda oo la yirahdo.

Wargeyska ayaa sheegay in ku dhawaad shan bus oo iskaga gooshayay labada caasimadood ee Kampala iyo Juba ayaa weeraro loo geeystay shantii bilood lasoo dhaafay.

Waxaa la sheegayaa in ay badan tahay dhimashada rakaabka balse lama haayo cadeen muujineysa inta uu qasaaraha la eg yahay.

Waxaa lagu eedayay weeraradaani qaabilka Dinka oo dega koonfurta gobolka la yiraahdo Equatoria ee Koonfurta Suudan.

Ugandha ayaa mar soo faragelisay dagaallada sokeeye ee ka jira koonfurta Suudan ayagoo garab siinaya madaxweyne Salvir Kiir.

Dhawaan waxa ay tageen Juba howlgal ay ku sheegen in ay soo badbaadinayaan muwaadintooda bishii July ee Sanadkan.

Howlgalkan ayaa bilawday Axaddi la soo dhaafay sida uu sheegay wargeyska the Observer ee dalka Ugandha.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan