Eritrea oo beenisay in duuliyeyaal ay u goosteen Itoobiya

Dagaal ayaa labada dal ku dhex maray xudduudda 1998 - 2000 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaal ayaa labada dal ku dhex maray xudduudda 1998 - 2000

Laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka oo ay leedahay Eritrea ayaa la sheegay inay u goosteen Itoobiya, waxaana sidaas wakaaladda wararka ee AP u sheegay koox ka tirsan mucaaradka Eritrea.

Nasrudiin Axmed Cali oo ah afhayeenka ururka fadhigiisu yahay Itoobiya ee la yiraahdo Red Sea Afar Democratic Organisation ayaa laga soo xigtay isagoo leh "Labada duuliye waxay ula baxsadeen dayaaradahooda dagaalka ee yaryar dhinaca Mekelle (waqooyiga Itoobiya) subaxnimadii Arbacada".

Wuxuu kaloo sheegay magacyada duuliyeyaasha, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kuwo waayo aragnimo fiican leh.

AP waxay kaloo soo xigatay dad deggan Mekelle oo sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay si aan caadi ahayn u dul haadeen Arbacadii.

Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea ayaa ku gacan sayray in laba duuliye ay u baxsadeen dhinaca dalka ay colaaddu kala dhaxayso ee Itoobiya

Yemane Ghebremeskal ayaa u sheegay wariyaha BBC Mary Harper inaysan ahayn markii ugu horraysay ee ururka Red Sea Afar Democratic Organisation ay been noocaas oo kale ah sheegaan.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa dagaal wuxuu ku dhex maray xudduudda intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, mana laha xiriir diblomaasiyadeed oo labada dal u dhaxeeya, ayadoo heshiiskii nabadeed ee dagaalka lagu soo afjaray uusan si buuxda u dhaqan galin.