Toogasho ka dhacday dibedda Safaaradda Maraykanka ee Nairobi

Booliska ayaa sheegay inay ninkani toogteen ka dib markii uu toorey ku weeraray sarkaal booliska ka tirsan Lahaanshaha sawirka The Star
Image caption Booliska ayaa sheegay inay ninkani toogteen ka dib markii uu toorey ku weeraray sarkaal booliska ka tirsan

Booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin weerar ku soo qaaday sarkaal ka tirsan booliska oo taagnaa dibada safaaradda Maraykanka ee Caasimada Nairobi.

Booliska wuxuu sheegay in sarkaalka uu ilaalo ka hayay mid ka mid ah iridaha safaaradda markii ninkaasi uu tooreey gacanta uga dhuftay sarkaalka.

Lahaanshaha sawirka US EMBASSY NAIROBI
Image caption Farriintaan waxaa Twitter ku shaaciyey safaaradda Maraykanka ee Nairobi

Mas'uul ka tirsan Booliska ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ninka weerarka soo qadaay uu u dhashay Kenya, wuxuuna deegaan ahaa ka soo jeedaa Wajir. Sababta ka dambaysay weerarkaasi wali ma cadda.

Safaaradda Maraykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in dhammaan shaqaalaha safaaradda ay bad qabaan oo cid wax uga noqotay dhacdadaasi aysan jirin.