UN oo ka walaacsan dagaalka Muslimiinta iyo Masiixiyiinta CAR

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Bartamaha Afrika waxaa ku hardaya malleeshiyaad kala taabacsan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta
Image caption Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Bartamaha Afrika waxaa ku hardaya malleeshiyaad kala taabacsan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta

Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa inay ka walaacsan tahay qalalaasaha ka sii huraya dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay dalkaasi Afrikada Dhexe.

Waxaa jiro dagaallo dib uga soo cusboonaaday dalkaasi oo u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ku sugan magaalada Bambari.

Ciidamo boolis ah ayaa jimcihii lagu qaaday weerar gaadmo ah, waxaana dhimatay lix askeri iyo afar qof oo shacab ah.

Saldhigga ciidamada Qaramada Midoobeey oo ku dhow garoonka diyaaradaha ayaa sidoo kale la weeraray.

UN ayaa labada dhinac ee Muslimiinta Seleka iyo masiixiyiinta Anti-Balaka ugu baaqeysa in qalalaasaha ay joojiyaan.

Rabshadaha dalkaasi waxay bilowdeen sanadkii 2013kii kaddib markii mucaaradkii Seleka ay qabsadeen awoodda dalka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan