Dowladda Suuriya oo duqeyneysa bariga magaalada Xalab

Duqeynta waxaa lala eeganayaa goobaha ay mucaaradka qabsadeen shalay Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Duqeynta waxaa lala eeganayaa goobaha ay mucaaradka qabsadeen shalay

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya waxa ay duqeynayaan xaafadaha mucaaradka ay Jimcihii qabsadeen ee Xalab.

Dowladda ayaa dooneysa inay markale qabsato xaafadaas oo ah meelaha ay bariga Xalab ka go'doomiso.

Dadka u ololeeya arrimaha mucaaradka ee Suuriya waxa ay sheegayaan in madaafiic culus lagu garaacay xafadahaasi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mucaaradka waxay adeegsanayaan madaafiic ay ku duqeynayaan fariisimaha ciidamada dowladda Suuriya

Dowladda Suuriya ayaa adeegsaneysa diyaarado iyo madaafiicda dhulka laga tuuro si mucaaradka ay dib ugu riixdo.

Warbaahinta dowladda Suuriya waxa ay baahinayaan in madaafiic ay mucaaradka ku rideen qeybta dowladda ay maamusho ee Galbeedka Xalab.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan