Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Dad u dabaal degaya maalinta Mowtada. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dad u dabaal degaya maalinta Mowtada.

Magaalada Mexico City ayaa markii ugu horraysay waxaa waddooyinkeeda lagu qabtay isu soo baxyo loogu dabaal dagayey xuska maalinta mowtada.

Dadka xuska dhigayey ayaa waddooyinka la marayey buufinno iyo baambolayaal waaweyn. Saraakiisha ka shaqeeya hawlaha dalxiiska ee Mexico ayaa sheegaya in fikraddan ah in jidadka loo soo baxo ay ka dhalatay muuqaallo ku jiray filimkii James Bond ee sannadkii hore, Spectre, oo lagu duubay magaalada Mexico City.

Fillimka waxaa ku jiray muuqaal ku saabsan James Bond oo qof sharwade ah ku dhex eryanaya dad wadooyinka dabbaaldeg ku samaynayey oo dharka ay xirnaayeen u ekaysiiyey qalfoof.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waa markii ugu horraysay ee wadooyinka Mexico lagu xuso maalinta mowtada
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Buufinno,baambolayaal iyo midabbo ayaa xuska loogu dabbaal degay
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption 135,000 oo qof ayaa lagu qiyaasay inay toos u daawadeen
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mid ka mid dadkii ka qayb galayey dabaal degga xuska maalinta mowtada Mexico.

Maamulayaashu waxay rajo ka qabaan in isu soo baxaan uu soo jiidan doono dalxiiseyaal badan oo magaalada yimaada.

Dhaqan ahaan, maalinta mowtada, qoysasku waxay ku xusaan magaalooyinka dibadooda oo maalintaas lagu cunteeyo, lana tago qabriyada ehelada, ama asnaam la xardhay oo guryaha la keensado.

Waxaa lagu qiyaasayaa in ilaa 135,000 oo qof yihiin dadkii tooska u daawanayey isu soo baxa.