Bandhigga shaqaaleynta Muqdisho iyo rajada dhalinyarada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bandhiga shaqaaleynta Muqdisho iyo rajada dhalinyarada

Tobannaan dhalinayaro shaqo doon ah ayaa ka qeybgalay bandhig shaqaalayn ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, goobjoogna ay ka ahaayeen hay'adaha iyo shirkadaha waddanka ka shaqeeya.

Dhalinyaradan shaqo doonka ah oo u badan kuwii ka baxay jamaacadaha sanadihii u danbeeyay ayaa bandhiggan u arka fursad isku xiraysa iyaga iyo shirkadaha.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, oo ka qeybgalay carwadaa shaqo ayaa warbixintan noo soo diray.