Faransiiska oo ciidammadiisa kala baxaya Jamhuuriyadda Afrikada dhexe

Ciidammada Farnsiiska ee ku sugan dalka CAR ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabgabeyaan howlgalkooda. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Farnsiiska ee ku sugan dalka CAR ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabagabeyaan howlgalkooda.

Howlgalka Faransiiska ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa si rasmi ah loo soo gabagebyn doonaa maanta oo Isniin ah.

Seddax sano ka hor ayuu Farnsiisku faragelin ku sameeyay dalkaasi oo markaasi uu ka socday dagaal sokeeye.

Dagaalkaasi ayaa billowday sanaddii 2013, waxaana ku barakacay in ka badan shan meelood oo meel dadkii waddankaas.

Howlgalka Farnsiiska oo loogu magic daray Sangaris wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo caalami ah oo la geeya dalkaasi markii ay collaadu billaabatay.

Ciidammada Faransiiska ayaa markii dambe doorkoodu ku soo koobay inay sirdoon iyo sahay uun la wadaagaan howlgalka Qaramada Midoobay ee Minusca.

Wasiirka Difaaca Faransiiska, Jean Yves Le Drian ayaa ku sugan magaalada Bangui isagoo ka qeybgalayo xafladda lagu sagootinayo ciidammadiisa.

Wasiirka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Fransiisku uusan meel cidla ah uga tagayn dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo uu horay u soo gumeystay.

Waxa uu sheegay in 350 askeri ay sii joogi doonaan si ay u taageeraan howlgalka Qaramada Midoobay iyo xoogagga ammaanka ee dalkaasi.

Labaduba, xoogagga Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa lagu eedeeyay inay xadgudub dhinaca galmada ah u gaysteen caruur u dhalatay dalkaasi. Eedayntaasi ayaa soo shaac baxday ka dib markii warbaahinta loo dusiyay natiijada baaritaan ay Qaramada Midoobay sameysay 2015-kii.