Dhulgariirka Talyaanaiga: kumanaan qof ayaa seexday dhismayaal ku meel gaar ah

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Taliyaaniga oo ka soo kabanayo dulgariikii Axaddii dhacay

Kumanaan qof ayaa bartamaha Talyaaniga seexday baabuurtooda teendhooyin iyo xarumo ku meel gaar ah oo hoy looga sameeyay, ka dib afar dhulgariir oo halkaa ku dhuftay saddex bilood gudaheed.

Dhulgariirka oo quwadiisa ay tahay 6.6- ayaa ahaa kii ugu xooganaa tobanaan sano, wuxuuna ka dhacay meel u dhow gobol ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof dhulgariir ka dhacay bishii August.

Markan waxay u egtahay inaan qofna ku dhiman dhulgariirka ka dhacay meel u dhow magaalada Norcia, laakiin 20 qof ayaa ku dhaawacmay.

In ka badan 100 gariir oo yaryar ayaa la diiwaan galiyay xalay. Waxaa ka mid ahaa mid cabirkiisu uu ahaa 4.2.

Ilaa 15,000 oo qof ayaa lagu qiyaasayaa inay degan yihiin meelo ku meel gaar ah, oo ay ku jiraan 4,000 oo degan meelo dowladda ay dajisay ee xeebta Adriatic.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Darbi dumay bartamaha Norcia
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka ayaa isku diyaarinaya inay seexdaan baqaaro si ku meelgaar ah

Norcia, ee gobolka Umbria, dadka qaar ayaa go'aan ku gaaray inay joogaan guryahooda, halka dadka kale ay seexdeen teendhooyin laga sameeyay meel u dhow magaalada ama xeebta.

Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, ayaa u qabtay shir golaha wasiirada, si looga hadlo dib u dhisid degdeg ah.

Stefano Boldrini, oo deganaa Norcia oo hadda ku dhex nool baabuur dhexdiis isaga iyo gabadhiisa ayaa la waydiiyay inay rabaan inay sii joogaan iyo in kale.

"Sideen u joognaa? Ma laha iskuul, kaniisad ama saldhig boliis. Ma laha waxba halkan hadda" ayuu sheegay.

Kaniisada qadiimiga ee St Benedict ee Norcia ayaa ka mid ah dhismayaasha taariikhiga ee burburay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dhismayaal badan ayaa burburay ama qasaaro gaaray laakiin lama sheegin dhimasho
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kaniisada la dhisay qarnigii 14-aad ee St Benedict ayaa ka mid ahayd meelaha taariikhiga ee burburay

Dad laga saaray dhismayaasha nugul bartamaha Talyaaniga toddobaadkii hore ayaa laga yaabaa inay nolol badan badbaadisay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in saddex qof laga soo bixiyay burburka iyagoo nool magaalada Tolentino Axadii.

Giuseppe Pezzanesi, oo ah duqa magaalada Tolentino, ayaa sheegay in magaalada ay aragtay maalintii ugu madoobeed ee soo marta.

"Qasaaraha ayaan laga soo kabsan karin. Waxaa jira kumanyaal qof oo jidadka jooga, oo cabsi la ooynaya".

Dhulgariirkii Axada oo cabirkiisu ahaa 6.6 sida ay sheegtay xarunta sahminta jiyolojiyada ee Maraykanka, ayaa yimid kadib dhulgariirkii August, iyo laba dhulgariir oo dhacay toddobaadkii hore oo cabirkooda uu ahaa 5.5 iyo 6.1.

Magaalooyinka kale ee qasaaraha uu soo gaaray waxaa ka mid ah Castelsantangelo, Preci, Ussita iyo Arquata.

Dhulgariirkii ugu danbeeyay ayaa laga dareemay magaalo madaxda Rome, halkaasoo tareenada la xiray laakiin hadda dib loo furay.

Dhulgariirada ugu waynaa Talyaaniga tan iyo 1900

  • October 2016 - Norcia, bartamaha Talyaaniga, cabirka 6.6, lama sheegin dhimasho ilaa hadda
  • November 1980 - Campania, koonfurta Talyaaniga (Naples ayaa qaasaaro badan gaaray), cabirka 6.9, ilaa 5,000 ayaa dhintay
  • July 1930 - Irpinia, Campania, cabirka 6.6, 1,400 ayaa dhintay
  • January 1915 - L'Aquila, cabirka 6.7, in kabadan 30,000 ayaa dhintay
  • December 1908 - Strait of Messina, cabirka 7.1, ilaa 200,000 ayaa ku dhintay dhulgariirka iyo tsunami
  • September 1905 - Calabria, cabirka 7.2, ilaa 2,500 ayaa ku dhintay dhulgariir iyo tsunami

Mowduucyada la xiriira