Michel Aoun ayaa loo doortay madaxweynaha Labnaan kadib khilaaf socday mudo dheer

Michel Aoun (21 October 2016) Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Michel Aoun ayaa hogaamiya xisbiga Free Patriotic Movement, oo ah xisbiga Kiristaanka ee ugu badan baarlamaanka

Baarlamaanka Labnaan ayaa u doortay Michel Aoun inuu noqdo madaxweyne, iyadoo dhamaynaysa in ka badan laba sano iyo bar oo waddanka uu ahaa madaxweyne la'aan khilaaf siyaasadeed darteed.

Madaxweynaha cusub oo ah Kiristaanka Maronite ayaa balan qaaday inuu ka difaaco Labnaan "dabka ka socda gobolka."

Mr Aoun ayaa waxaa taageeray kooxda shiicada ee awooda badan ee Xisbullah.

Musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka hortagay, kooxda Suniga ee Future Movement ilaa heshiis la gaaray bishan.

Waxaa la arki doonaa in hogaamiyaha Future Movement, Saad Hariri, uu noqdo ra'iisalwasaare.

Mr Aoun, oo 81-jir ah ayaa ahaa taliye ciidan, wuxuu helay 83 cod ee baarlamaanka 128-da kursi ah fadhigoodii 46-aad ee ay ku dooranayeen madaxweynaha..

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha xisbiga Michel Aoun oo dabaaldegaya
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saad Hariri ayaa sheegay inuu taageeri doono Mr Aoun si uu u difaaco labnaan i

Mowduucyada la xiriira