Darwiish: Waxaan dooneynaa in qaxootiga nolol fiican ay helaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Darwiish: Waxaan dooneynaa in qaxootiga nolol fiican ay helaan

Maamulka Jubaland ayaa weli ku adkeysanaya in hanaanka dib u celinta qaxootiga Dadaab uusan sii socon karin, haddaanan la helin taageero gudaha Soomaaliya lagu siiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish ayaa ku booriyay Qaramada Midoobeey inaysan qaxootiga dib u celin, haddii aanan loo diyaarinin waxyaabaha aasaasiga ah iyo dhaqaalaha ay u baahan yihiin.

Baskas Jug Soo dhacay ayaa Kismaayo kula kulmay oo wareysigan la yeeshay.

Mowduucyada la xiriira