Madaxweyne Santos oo booqanaya Britain

Santos Colombia Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxweyne Juan Manuel Santos, ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay ee Colombia ah oo booqda Britain

Madaxweynaha Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa maanta billaabaya booqasho rasmi ah oo ku tegayo dalka Britain, taasoo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyo hogaamiye dalkaasi ah.

Santos ayaa la kulmi doona Boqoradda, asagoo wadahadal la yeelan doona ra'iisul wasaaraha iyo xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain.

Madaxweyne Santos ayaa sanadkan ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka, taasoo uu ku helay dadaalka uu u galay in uu nabad la gaaro jabhadda FARC.

Mr Santos ayaa maalinta Khamiista ah booqan doona Northern Ireland, asagoo nabadda halkaasi ka jirta ka tilmaamay mid dhiiragelisay.