Daawo: Wargeyska Dhambaal oo dib u hawlgalay 25 sano ka dib
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Wargeyska Dhambaal oo dib u hawlgalay 25 sano ka dib

Magaalada Muqdisho waxa markii ugu horeysay mudo 25 sano kadib maanta dib usoo baxay wargeyskii la oran jiray Dhambaalka ee ay soo saari jirtay Akadeemiyada Cilmiga,Fanka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

Munaasabad weyn oo lagu soo bandhigayay nuqulkii ugu horeeyay ee wargeyskaasi ee soo baxay saaka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wargeyskan oo lagu qori jiray maqaalo kahadlaya dhaqanka iyo taariikhda ayaa la burburay dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay markii la riday dawladdii hore 1991kii.